Dhagayso: Maxkamada Ciidamada Somaliland oo 8 ruux ku xukuntay dil toogasho & xubno kale oo ay ku xukuntay Xabsi

24 July 2016 (Puntlandes) Eedaysanaayaal ahaa 11 ayaa Waxa Maxkamada ciidamada militeriga Somaliland ay ku xukuntay 8 qof oo kamida eedaysanayaashan dil toogasho ah.

228-2e1

Waxaan maxkamada ciidamada Militeriga go’aan ay soo saartay saaka ku sheegtay in 8 kamida eedaysanayasha lagu xukumay dil toogasho ah kuwaassi oo ahaa nimankii fuliyay dilka taliye Casayr, sidoo kalena waxay maxkamadu xoriyadoodii usoo celisay laba eedaysane.

Dhanka kalena wararka ayaa sheegaya in Maxkmada ciidamada militerigu ay 8 nin oo kalena ku xukuntay ganaax xadhig ciqaabeed ah kuwaasi oo ay sheegtay inay weerareen deegaan ku yaala gobolka saaxil.

Waxana dhagaysiga maxkamada eedayashayaashan kasoo xaadirey 6 eedaysane halka shan kale ka maqnaayeen laakin xukunku uu ku dhacay.

Eedaysanaayaashan la xukumay ayaa wax ku jira gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka saaxil mudane Xaamuud oo isagu ahaa ninkii ay wada socdeen gaadhigana wada fuushanaayeen taliyaha markii lasoo weeraray dilkana loo gaystay, waxaana  la sheegay in maxkamadu ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ciqaabeed ah.

Gabagabadiina maxkamada ciidamada Militeriga Somaliland ee kiiskan gacanta ku haysay ayaa amartay in lasoo qabto 5 eedaysane oo ay maxkamadu xukuntay saaka oo aan goob joogayaal ka ahayn dhagaysiga dacwada isla markaana la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author