Ex Xildhibaan Saalax Badbaado oo ahaa ninkii fuliyay qaraxii agagaarka Garoonka Diyaaradaha

26 July 2016 (Puntlandes) Kaaoxda Alshabaab ayaa caawa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

229-1b6

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Alshabaab ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay saaka nawaaxiga garoonka diyaaradaha

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaadow ayaa uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhanka kale Saalax Badbaadow ayaa fariin u diray shacabka ka soo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo. Saalax Badbaado ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author