Sawirro: Machadka SIDRA oo u dabaal dagay sanad guuradiisii 1aad

27 July 2016 (Puntlandes) Machadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa xalay ku qabtay Caasimada Garowe munaasabad balaaran oo ugu dabaal dagayayo sanad guuradiisii koowaad ee kasoo wareegatay markii la Aasaasay oo ku beegan 26 julay 2015.

Munaasabadda ayaa machadku kusoo bandhigay waxqabadkiisii halka sano, waxaana kasoo qeyb galay marti sharaf ka socotay sadddexda Gole ee dowladda Puntland iyo Aqoonyahano kale.

Machadka SIDRA ayaa soo bandhigay lix buug oo cilmi baaris ah oo laga sameeyay Puntland iyo barnaamij muuqaal oo looga sheekeynayay waxqabadka SIDRa, kaasoo ka hadlayaya waxyaabihii uu machadku qabtay mudadii u jiray.

Gudoomiyaha machadka SIDRA Guuleed Saalax Barre oo ahaa wasiirki hore ee deegaanka Puntland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku guulaysteen fikirkii ay u aas aaseen machadkaan, isagoo sheegay inay halkii sano uu jiray inay cilmi baaris kasoo sameeyeen qaar kamid ah Gobolada Soomaaliya.

Guuleed saalax ayaa sheegay inay kasoo baxeen balanqaadkoodii ahaa inay soo badhigeen xogta wadanka, iyadoo lagu saleynayo cilmi baaris ah oo ay sameeyeen, wuxuuna sidoo kale sheegay inay tababaro siiyeen ardayda jaamacaddaha Puntland.

Masuuliyiintii xaflada ka hadlay oo isugu jiray wasiir ku xigeeno, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Puntland iyo  gudoomiyaha haweenka talo wadaag ayaa soo dhoweeyay machadka SIDRa iyo waxqabadkiisa halka sano, waxayna ku tilmaameen machadkaan mid wax weyn uso kordhiyay gaar ahaan dhinaca cilmi baarista oo ah meesha kaliya oo dalkeena ka liito.






















Puntlandes.com

 

 

About The Author