Beesha Xassan Ugaas ee Degta Goballada Puntland oo Beenisay in ay isin Cusub Magacowdeen.

15 sept 2016 (Puntlandes) Kulan ay isku yimaaden Beesha Xassan Ugaas ee Degta Goballada Nugaal iyo Sool ayey been abuur ku tilmaantay in ay Magacaaben badalkii Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo Dhaawaan ku geeriyooday Dalka Turiga.

Kulankan oo ka dhacay Deegaanka  Dan Dan ee Degmada Boocame ee Gobalka Sool ayaa waxaa ka soo qayb galay odayaasha dhaqanka ee Beesha Xassan Ugaas, Cuqaal, waxgarad, Dhalinyaro,Culumo, Aqooyahan, Saraakiil Ciidan iyo Haween waxaana dhamaan Beeshu isku raacday in Xili roobaadka danbe ay Beeshu isku timaado si ay uga tashato aayaheeda iyo Magacaabistaa Isinkooda Cuusb.

Caaqil Maxmauud Cabdi Xanaf, Maxamed Ciise Boos, iyo Faarax Maxamed Xuseen,Cali Dalmar Ibraahim iyo Cabdullaahi Madar oo ka mid ahaa Cuqaasha iyo waxgardka ka qayb gashay ayaa ku dheeraday sida loogu baahan yahay in talada beesha la dhur sugo isla markaan aysan aqbalayn cid ka kasta oo baahisa goaan aysan gaarin qaybaha kala duwan beeshan

Beesha ayaa Isimada Beelaha kale uga digay faragalinta ay kula jiraan Beesha Xassan Ugaas ee Dhulbahante oo ay sheegen in aysan jirin Cid wax u yeerin karta, iyagoona Beelaha kale ka codsaday in ay ka qabsadaan Isimadooda.

Dhanka kale Beesha Xassan ugaas ee Dhulbahante ayaa ugu Baaqay koox dhawaan ku dhawaaqay inay  magacaaben Isin cusub  inay Geedka hoostiisa yimaadan talada Xassan ugaasna ay qab ka so noqdaan si Tabashadooda loo xaliyo.

Ugu Danbayntii kulan oo so xiray Caaqilka guud ee Beesha Xassan Ugaas Cabdi Cilmi Qaaje ayaa sheegay in tallada beeshiisa ay iyaga gacanta ugu jirta oo aan wax-ba lo yeerin karin,isagoona u digay cid kasta oo shacab,Isin iyo Dowlada ah oo arimahooda so faragashata.

Sawirro
img_9764 img_9772 img_9776 img_9777 img_9779 img_9788 img_9789 img_9798 img_9806 img_9862 img_9863 img_9866 img_9871 img_9875

About The Author