Dhagayso-Sawirro: Gaas oo kusoo guryo noqday Garoowe

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii ballaarnaa ee  uu hoggaaminayey ee Puntland uga qayb gelay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee dhowaan kusoo xirmay magaalada Muqdisho ayaa maanta 15 September, 2016-ka soo gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Konoko kusoo  dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka Gobol Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey ujeedka safarkiisa uu ugu maqnaa  Muqdisho iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay magaalada Muqdisho uga qayb galeen shirkii Madasha wadatashiga qaran, kaas oo looga hadlayey dhammaystirka hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ujeedka ugu weyn ee shirku uu ahaa sidii loo fulin lahaa ama loo hirgelin lahaa qodobadii lagu heshiiyey ee dhabbaha loogu xaadhayey sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashooyin ay dadka Soomaaliyeed kuwada qanacsan yihiin.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid guul u ahaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey hirgelidda qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

Halkaan ka dhegeyso codka Madaxweynaha

img_7119img_7120img_7121img_7122img_7125img_7126img_7130img_7131img_7132img_7134img_7136img_7137img_7139img_7141img_7146img_7148img_7150img_7154img_7160img_7162img_7166img_7168img_7173img_7197img_7205

About The Author