Warbixin-Sawirro: Gudoomiyaha golaha deegaanka Dagmada Gaalkacyo & Xildhibaano ka tirsan Golaha Bacaadweyn gaaray

15 sept 2016 (Puntlandes) Golaha deegaanka Dagmada Gaalkacyo oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mr.Maxmud Yasin Tumay ayaa waxay gaareen Magaaladda Bacaadweyn oo hoos timaada Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ugu horay waxaa ka dhacay Magaaladda Bacaadweyn Kulan Qado sharaf ah oo ay oo uu soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Magaaladda Bacaadweyn, iyadoo Qadada ka dibna uu halkaas ka furmay kulan looga hadlayo Horumarinta Deegaanada Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha iyo xubnihiisa ayaa waxaa ay kulan la qaateen Gudoomiyayaasha Deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo, kaasoo looga tashanayey sidii lagu Horumarin lahaa Deegaanada Degmada Gaalkacyo, loona wanaajin lahaa xiriirka ka dhexeeya Deegaanada iyo Degmada.

Gaba gabadii kulanka ayuu Gudoomiye Tumey Kormeer ku kala bixiyey Magaaladda Bacaadweyn isagoo ka bilaabay Saldhiga dhexe ee Bacaadweyn, waxaana uu kormeerka ka dib la hadlay shacabka magaaladda Bacaadweyn, oo uu kala hadlay wada shaqaynta Maamulka iyo shacabka.

Taliyaha Saldhiga dhexe ayaa Gudoomiya iyo wafdigiisa ka codsaday in dib loosoo celiyo Askar horay ugu qornayd magaaladda Bacaadweyn kuwaasoo maamulkii kan ka horeeyey uu ka jaray Mushaarkii magaaladda Bacaadweyna ay aad ugu baahan tahay in Ciidanka loosoo kordhiyo.

Yaab arag oo ka mid ahaa Golihii Deegaanka ee goobtaas booqday, ahna ganacsade ayaa waxaa uu Saldhigga Bacaadweyn u balan qaaday qalab Xafiiseed dhamaystiran, booliska magaaladda Bacaadweyna aad ayey u soo dhaweeyey talaabadaas.

Kulankaan ayaa qayb ka noqonaya tilaabooyin is xig xiga oo ugub ku ah Dowladda hoose ee Degmada Gaalkacyo, kuwaasoo ay Degmadu ka samaynaysay magaaladda Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mr.Maxmud Yasin Tumay iyo maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa ah dhalinyaro Aqoonyahano ay oo ku cusub maamulka waxayna lasoo baxeen talaabooyin ay aad ugu diirsadeen shacabka Degmada Gaalkacyo kuwaasoo baahi badan u qabay maamul wanaaga ay la yimaadeen maamulka cusubi.

Sawirro.

img_5900 img_5932 img_5950 img_5960 img_5963 img_5970 img_5986 img_5988 img_5995 img_6032 img_6068 img_6088 img_6125 img_6156 img_6230 img_6261 img_6272 img_6285 img_6303 img_6306

Puntlandes.com

About The Author