Sawirro-Maxay Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadu Kala Kulmeen Puntland.

Nov 03 2016 (Puntlandes)-Waxaa habeenkii xalay casho sahraf Garoowe loogu sameeyey xubno kasocdey rugta ganacsiga Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay xubno ka socda Dowlada Federalka Soomaaliya,Madaxda rugaha ganacsiga maamulada kala ah Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Gobolka Nugaal iyo Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayay sheegeen inay ku faraxsan yihiin Garowe inay ugu qabtaan kulan lagu soo dhaweynayo rugaha ganacsiga dalka xubnaha kala ah  Gudoomiyaha rugta ganacsiga Gobolka Nugaal Maxamuud Axmed Faarax (Qawdhan,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac,Gudoomiyaha Shirkada Korontada (NECSOM) C/fataax Maxamed Cabdi , kuwaas oo ka mid ahaa soo qaban qaabiyaasha kulankii xalay.

Masuuliyiintii kale ee kulanka ka hadashay waxaa ka mid ahaa

  1. Maxamuud Cabdi Cali Gabayre oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya
  2. Maxamed A. Cabdi (Martello) oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug
  3. Suldaan Bube Aadan Bube oo ah Gudomiyaha Xigeenka Rugta Ganacsiga Koonfur Galbeed
  4. Maxamed Shariif oo ah Wakiilka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland.

SAWIRRO

1-1 2-2 3 5 6 7 8 9 12 14-1 15 16 17 19

About The Author