Sawirro: Madaxweynaha Hirshabeelle oo tababar ugu soo xirey Beledweyne ciidamo Hirshabeelle ka tirsan

7 jan 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada ayaa maanta  ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamadii ugu horeeyay oo loo tababaro  Maamulka Hirshabeelle.

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle uga warbixiyay xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada  durufaha heysta Ciidamada.

“Ciidamadii ugu horeeyay ee ciidamada nabadsugida annagaa howlgalinay waxaana ay yihiin qaar aan haysan dareeskii ciidamada.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo la hadlay ciidamadan ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Ciidamadan  Tababarka loo soo xiray ay ka mid noqonaya Ciidamada Maamulka hirshabeelle islamarkana ay ku dadaali doonaan xuquuqda ay leeyihiin.

“Waxaan nahay dowlad curdan ah balse waxaan idiin ballanqaadaynaa in aan ku dadaali doono daryeelkiina iyo xuquuqdiina adinkana waxaa la idinkaga baahan yahay in aad si anshax leh bulshadooda ugu adeegaan.”

Sido kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in ciidamadan tababarka loo soo xiray looga baahan yahay inay ka fogaadan qabyaalada.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa kula dardaarmay Ciidamadan inay bulshada ka qabtan dadka dhibaatooyinka u geysta ee dambiilayaasha ah.

Ciidamadan maanta u tababarka u soo xiray Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa ugu horeeyay ee loo tababaro Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

tababar-askar-12

tababar-askar-1

tababar-askar-5

tababar-askar-7

tababar-askar-8

tababar-askar-9

tababar-askar-10

tababar-askar-11

 

Puntlandes.com

About The Author