Madaxweyne Gaas oo berri u safraya deegaanadii ay Xoolo dhaqatadu usoo guurtay ee Bayla, Xaafuun & iskushuban

22 jan 2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu berri oo ah Isniin 23ka jan u safrayo deegaanada bariga ee ay Roobabku ka da’een ee loo soo guuray.

img_9267

Madaxweyne Gaas oo maalmahan ku sugnaa xurunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa berri u safraya Degmooyinka Bayla Iskushuban & Xaafuun oo ay Roobabkii ka da’ay dartood usoo guureen Xoolo dhaqato badan oo Soomaaliyeed oo ka kala yimid deegaano badan oo ay Soomaalidu degto.

Madaxweyne Gaas ayaa booqashadiisu waxay qaadan doontaa muddo ilaa sadex cisho ah, isagoo uu safarkiisu la xiriiro u kuurgelida iyo ogaanshaha xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin Xoolo dhaqatadii usoo guurtay Deegaanadaas ay Roobabku ka da’een.

Madaxweyne Gaas ayaa mar kasta ka shaqeeya inuu ogaado waxna ka qabto xaaladda nololeed ee shacabka reer Puntland.

Puntlandes

About The Author