Sawirro:- Caasimada Puntland Dhalinyaro Isxilqaan Ah Oo Gubaya Baqtiga Xoolaha Ay Tuuraan Gaadiidka Hayaanka Wada

Dhalinyaradaan oo isu soo urursaday si madax banaan kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaada caafimaad iyo midda gaadiidka kasoo gaaraysa bakhtiga xoolaha gaar ahaan ariga ayaa watey gaadiid ay kusoo kireeyeen lacag ay iska ururiyeen iyagoona dab meelo banaan ah ku qabad siinayey bakhtiga xoolaha.

“Waxaanu isku xilqanay sidaan uga hortagi lahayn cuduro ku dhaca dadkeena madama ay soo badanayaan baqtiga xoolaha ee yaala banaanka  magaalada waxaana dhow xili roobaadka togoga magaalada biyaha ka qaada ayaa waxaa macquula inay baqtigaan magaalada soo galiyaan xanuunona ka dhashaan ayay dheheen qaar kamida dhalinyarada.

Wajiga 1aad ee ololahaani oo ka bilowday banaanka bari ee magaalada Garoowe ayaa maanta gaarey buundada dooxada Janteela oo u dhexaysa deegaamada Sin-ujiif iyo 22aad ee dooxada Nugaaleed.

Qaar kamid ah dhalinyarada ololahaan hormuudka ah oo kahadlayey goobihii lagu gubayey bakhtiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howshaan mutadawacnimada ah, waxaana ay ka codsadeen dhalinyarada kale inay horumarka dalka u kacaan.

Hoos Ka Eeg Sawirrada

IMG_1714 IMG_1715 IMG_1716 IMG_1717 IMG_1718 IMG_1719 IMG_1720 IMG_1721 IMG_1722 IMG_1723 IMG_1724 IMG_1725 IMG_1726 IMG_1732 IMG_1733 IMG_1735 IMG_1737 IMG_1738 IMG_1741 IMG_1745 IMG_1748 IMG_1752 IMG_1767 IMG_1770 IMG_1779 IMG_1780

About The Author