Dhagayso:-SHIR LOOGA HADLAAYO ARIMAH CAAFIMADKA PUNTLAND OO GAROOWE KA FURMAY

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya dhamaan maamulayaasha xarumaha caafimaadka Puntland iyo madaxda xarumaha hooyada iyo dhalaanka Puntland ku yaala waxaana ay is waydaarsanayaan xog ku aadan qaabka ay xarun waliba u shaqayso.

Agaasimaha guud wasaarada caafimaadka dowlada Puntland C/risaaq Xirsi xasan ayaa waxaa uu sheegey in muhiimada shirkaan ay tahay sidii loo ogaan lahaa inta ay gaarsiisan yihin adeega ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee dowligaa.

Waxaa kaloo uu sheegey in shirkaan lagu jaan goyn doono adeega xarun  waliba ay bixiso si aan shacabka isku halayn ugu imaan ayna dhamaan xarumaha caafimaadka tagayan si shaqadooda loo ogaado shirkaan oo kalana uu dhamaan xarumaha ka dhacayo.

Wasiirka caafimaadka dowlada Puntland C/risaaq xirsi Xasan ayaa xusey in adeegayaasha xarumaha caafimaadka xiligaan laga doonayo inay dadka u shaqeeyaan madama abaar dalka ka jidho qof walbana laga doonayo inuu naftiisa ku deeqo.

Hoos ka dhagayso

About The Author