Dhagayso+Sawirro:-Xeer ilaaliyaha Guud Ee Dowlada Puntland iyo Wasiiro Gaarey Galdob
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Puntland Maxamuud Xasan Ow Cismaan waxaana kamida xubnahaan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqan celinta Dowlada Puntland Saalax xabiib Jaamac ,Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntand Marwo Aniso Xaaji Muumin, ,taliyaha guud ee ciidanka dowlada Puntland C/qaadir Shire Farax(Ereg) Gudoomiyaha gobolka mudug Xasan Maxamed Khaliif iyo Xildhibaan Saadaq warfaa oo baarlamanka Soomaaliya ka socdey
Banaanka magaalada ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay masuuliyiintaan waxaana ka hortagay dadweyne aad ufara badan iyadoona masuuliyiinta losoo gudbiyay gudaha magaalada waxaana jira ciidamo badan oo amaanka aad usugayay.
Wasiirka Cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqan celinta Dowlada Puntland Saalax xabiib Jaamac ,Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntand Marwo Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegey inay diyaar u yihin diifaaca sharafta haweenka ayna markhaati ka ahanayaan xukunka dhalintan lagu xukumi dooni.
Hoos ka dhagayso CodkaWasiirka Cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqan celinta Dowlada Puntland Saalax xabiib Jaamac
Hooska dhagayso Codka Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntand Marwo Aniso Xaaji Muumin
Hoos Ka Dhagayso Codka Xildhibaan Saadaq warfaa
Hoos ka Eeg Sawirada