Xildhibaan Xasan Sheekh oo maanta xaadiray Fadhiga Baarlamaanka
03 Okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa maanta xaadiray Fadhigii Baarlamaanka ee xarunta Golaha Shacabka, kaasoo ay ka soo qayb galeen 178 Xildhibaan.
Fadhiga maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayaa dooda xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada ka doodayeen wax ka bedelka.
Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay dhamaadkii bishii August, kaddib 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa, markii looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo uu ugu weynaa dhismaha Xisbi ay ku bahoobeen siyaasiyiin horay u mucaaradsanaa xilligii uu talada dalka hayay.
Xasan Sheekh Maxamuud oo 4-tii bishii 3aad 2017-dii loo dhaariyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tirada Baarlamaanka ku noqonaya 276aad, maadaama uu yahay Xildhibaan Abadiya ah, sida uu qabo Dastuurka.
Xasan Sheekh ayaa ah guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxaana Berri oo khamiis ah lagu wadaa inay Muqdisho ka dhacdo xaflad ballaaran oo lagu daah-furayo xisbiga “Midowga Nabadda iyo Horumarka”, oo ah xisbi ay ka tirsan yihiin inta badan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya..