Dhagayso: Amiir Maxamuud Yuusuf Oo Ka Hadlay Kulankii Isimada Puntland & Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar

03 Okt 2018 (Puntlandes) Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kamid Isimada Puntland, kana mid ahaa Isimo Reer Puntland ah oo Dhowaan tagay Magaalada Jigjiga, ayaa Faah-faahin ka bixiyay kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar).

61a1

Amiir Maxamuud ayaa Sheegay in Socdaalkii ay dhowaan ku tageen Magaalada Jigjiga uu ahaa midey ugu kuur-galayaan Isbedelka ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, maadama ay Dowlad Deegaanka ku yaallan Dhul ay Degan yihiin Dad Asal ahaan kasoo Jeeda Deegaanada Puntland.

61a2

Amiirka ayaa Sheegay in intii ay ku Sugnaayeen Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka ay Kulamo la qaateen Isimada Dhaqanka iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, ayna kala hadleen sidii uu u gaari lahaa Deegaanada Gobalka Wardheer Isbedelka Wanaagsan ee ku dhacay Dowlad Deegaanka.

Waxaa uu Sheegay in si Wanaagsan halkaas loogu soo Dhaweeyay, ayna Isku Af-garteen Iyaga iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Dhamaan Qodobadii ay ka wada-hadleen, ee ku saabsanaa Hormarinta Deegaanada Gobalka Wardheer iyo ka Shaqeynta Nabadda iyo Wada-noolaashaha.

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, ayaa Sheegay in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cagjar uu u Balanqaaday in Hormarka iyo Dowladnimada la gaarsiin doono Gobalka Wardheer oo aad uu u Dayacay Maamulkii Hore, ayna ka jiraan Dhibaatooyin Badan.

DHAGEYSO WAREYSIGA AMIIR MAXAMUUD YUUSUF CIISE.



Puntlandes.com

About The Author