Sawirro: Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho

03 Okt 2018 (Puntlandes) Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Haysom ayaa xilka kala wareegaya ergeygii hore Michael Keating iyadoo xilli xasaasi ah uu dalka Soomaaliya marayo.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay inay sharaf iyo mudnaan gaar ah u tahay inuu labada sano ee soo socota joogo Soomaaliya.

Nicholas Haysom ayaa u dhashay Dalka South Africa waxana uu ka soo shaqeeyay dalal badan oo caalamka ah.

Ergeygan cusub ee Qaramada Midoobaya ayaa mudada uu wakiilka ugaga yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobay ay tahay labo sano, waxana uu ku soo beegmayaa imaanshihiisa iyadoo khilaaf weyn uu ka dhex jiro madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

61a3

62

62a

62a1
Puntlandes.com

About The Author