Akhriso Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo walaac ka muujiyay War-Murtiyeedkii uu Aqalka Sare kasoo saaray Galmudug
03 Okt 2018 (Puntlandes) War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay lama filaan ku noqotay war murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray 2dii bishan arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka walaacsan yahay in la dhinac maray war murtiyeedkii ay ka soo saareen magaalada Kismaayo gaar ahaan qodobkiisa 3.9 kaasoo ka digayay farogelinta arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.
Ugu dambeyntii war saxaafadeedkan ayaa waxaa ay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ugu baaqeen Aqalka Sare inay qadariyaan Mowqifka Dowlad Goboleedyada.
Akhriso War Saxaafadeedka Golaha Iskaashiga
Puntlandes.com