Akhriso: Dawlada Somalia oo sheegtay in Beesha Caalamku ka hor-timid musharraxnimada Roobow

05 Okt 2018 (Puntlandes) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegayso in beesha caalamku ay ka hortimid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay ku dhwaaqay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.

70

Dawladda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay sidaan “dawladdu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen”

71

Halkaan ka akhrisi: Waa kuma Musharax Koonfur Galbeed ee ay wadato dawlada Fadaraalku?

Dawlada ayaa tan iyo intii uu sheegay Mukhtaar inuu isa soo dhiibay wadatay wuxuuna degenaa xarunta NISA, iyadoo u diyaarinaysay qabashada xilka madaxweynaha KGS. Dhawaan ayey ahayd Markii Gudoomiyaha gollaha Shacabku la kulmay Mukhtaar iyo musharaxiin uu ku jirtay uuna ka codsaday isagoo fulinaya amarka madaxda DFS in musharixiintu ku dabafaynaan Mukhtaar.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa ahaa musharax ay dawladda Qatar wadato, waxaana rabitaankaas fulinayey saaxiibada dawladda ee dawlada Soomaaliya hogaamiya laakiin waxaa muuqata in xalay cadaadis badan la saaray si ay uga noqdaan waxayna tani dhabar jab ku tahay madaxda DFS oo sida indho la’aanta ah u taageerayey rabitaanka Qatar.

Akriso war-saxaafadeedka:

Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.

Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay.

Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.

Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.

Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.

 

69

Puntlandes.com

About The Author