Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo aqbalay Mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Waare
05 Okt 2018 (Puntlandes) Mooshinkii la sugayey ee ay gadaal ka riixaysay dawladda Fadaraalku ayaa waxay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle caawa u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle, kaas oo xilka loo xayuubinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gacansaar la leh dawlada Fadaraalka ayaa shaaciyey isla caawa inuu aqbalay mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweyne Waare. Mooshinkan ayaa sida la sheegay waxaa saxiixday in kabadan konton xildhibaan waxaana xildhibaanada saxiixay ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Hirshabelle maxamed Cabdi Waare xil gudasho la’aan.
Waare ayaa dhawaan sheegay inuu la heshiiyey dawladda Fadaraalka laakiin waxaa muuqata inaysan dawladdu doonayn heshiiskiisa.
Akhriso Qoraalka Mooshinka
Puntlandes.com