DFS oo Qatar u fasaxday inay dhoofsato nooc ka mid ah duurjoogta dalka Somaliya

06 Okt 2018 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dalka Qatar inay dalka ka dhoofsadaan nooc ka mid ah duur-joogteena gabaabsiga sii ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qatar loo fasaxay inay Soomaaliya ka dhoofsadaan 14 noole duurjoog ah, gaar ahaan sagaarada, oo ka mid ah Duur-joogta yarta ah ee Soomaaliya meelo baaqiga uga sii ah.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay 14 Sagaaro.

Sida ay caddeeyeen khuburo ay wax ka wadiisay Warbaahinta Puntlandes ma noqon doonto 14 Sagaaro oo qura waxa ay Qatar ka ugaarsan doonto dalka Soomaaliya ee waa u sharciyeyn bilowga.

Waxaa kaloo iswaydiin mudan Qatar ma Sagaaro kaliya ayey ka gurataa Soomaaliya mise wax kale ayaa u dheer.

73

Puntlandes.com

About The Author