Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka JFS oo ka deyriyay amniga magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay jirto habacsanaan dhanka amaanka ah ka dib baaritaano arrimahaasi ku saabsan oo ay sameeyen.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu uu cadeeyay inay wadaan talaabooyin ay kula xisaabtamayan Hay’adaha amaanka ee keenay habacsanaanta la xiriirta dhanka ammaanka ama ku guul daraystay shaqadoodii.
Guddoomiye Xuseen Carab ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay Baarlamaanka horgayn doonaan wixii ka soo baxay kulamada ay la qaateen hay’adaha amniga, waxa uuna farta ku goday inay muhiim tahay in la qaado talaabo isbedel dhanka amniga ah.
“Waxaa jira habacsanaan dhanka amniga waxaanu dooneynaa in wax laga bedelo Hay’adaha amniga waa in la kordhiyaa la xisaabtanka”
Xildhibaanada BFS ayaa todobaad kahor muddo 3 maalmood ah waxa ay ka doodayeen ammaanka, waxayna xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyeen inay ku fashilantay wax ka qabashada amniga.
Haddalka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa imaanaya xili Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ay shalay hortageen Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya, si ay u siiyaan warbixin la xiriirta ammaanka dalka.
Puntlandes.com