Cabdirisaaq Shoolle oo Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Sudan ay DFS ka dhigtay

13 Okt 2018 (Puntlandes) Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle oo ay golaha wasiirada DFS safiir aan la aqoon wadanka uu Soomaaliya u fadhin doono u magacaabeen ayaa hadda ay dawladda Fadaraalku ka dhigtay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Sudan.

86a

Cabdirisaaq Shoolle ayaa waxaa 26kii july 2018 lala magacaabay Tarsan iyo A/lahi M. Odowaa, halkan ka akhriso.

Cabdirisaaq Shoolle ayaa ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaliya, isagoo ka tirsan kooxda Nabad iyo Nolol.

Dawladda Fadaraalka ayaa keentay dhaqan aan la aqoon oo ah in marka hore golaha wasiiradu ansixiyaan in mas’uul loo magacaabay safiir, iyagoo kadibna si hoose ugu dirsada wadanka ay doonaan.

Wadanka Sudan ayaa ah wadan aad ugu muhiim ah Soomaaliya maadama uu deeq waxbarasho oo aad u badan siiyo Soomaaliya sanad kasta.

Puntlandes.com

About The Author