Maxay tahay ujeedada uu taliyaha hay’adda sirdoonka NISA isku casilay?
13 Okt 2018 (Puntlandes) Agaasimaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa iska casilay xilka, sida ay goor-dhow shaacisay hay’adda.
Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku tiri “Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.”
Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.
— NISA (@HSNQ_NISA) October 13, 2018
War lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegeysa in taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ay kooxda Nabad iyo Nolol ee Villa Somalia u wado inuu isku sharaxo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota.
Kooxda oo wadata Mushtaar Roobow ayaa maadaama uu ku adkaaday inay cadaysato Mukhtaar waxay hada masraxa doorashada kusoo dartay Agaasimahii hore ee hay’adda NISA.
Puntlandes.com