Xasan Sheekh “Dowlada haddii aysan ku hogaamin dalka doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020ka …. qeylo iyo buuq ayaa ku imanaya dalka.”
16 Okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka Soomaaliya inay ku hogaamiso wadanka doorashada qof iyo codka ah sanadka 2020ka isagoo ka digey haddii aysan taasi dhicin in dalka uu galayo buuq iyo qeylo.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyay isagoo ku sugan magaalada London mid ka mid ah baraha bulshada ee siyaasada loogaga hadlo ayaa ka hadlay dhinacyo badan oo siyaasada dalka Soomaaliya gaar ahaan rajada laga qabo in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2020.
“Dowlada haddii aysan ku hogaamin dalka doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020ka waxaa ku imanaya dalka culeys,waxaan ka sugeynaa dowlada in ay hogaamiso,qaabeyso oo fududeyso doodahaas weliba si deg-deg ah haddii aysan fududeyn qeylo iyo buuq ayaa ku imanaya dalka.”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko in dowladu yeelato mucaarad ayuu yiri Xildhibaan Xasan Sheekh; “Mucaaradka maslaxad weyn ayaa ugu jirta dowladnimada waayo waa muraayad ay isku aragto dowlada inay qurxoon tahay iyo inkale,”
“Mucaaradu ma xuma wax ay tilmaamayaan haddii ay sax yihiin dowlada waa inay saxdaa haddii aysan sax ahayna waxaa wanaagsan inay dowlada u yeerto mucaaradka la fariisato isla markaana qanciso haddii ay waxa ay ku dhaliileen uusan ahayn mid sax ah.”ayuu sii raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo wax laga weydiiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida uu arko arrimihii dhex maray dowlada federalka iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu kutilmaamay in ahayd arrin weyn oo qalad ah isagoo ku taliyay in arrintaas oo kale aysan dib u soo noqon.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay in dalka Soomaaliya xilligan uu u xuub siibto xisbiyo lagana gudbo habka qabiilka wax lagu qeybsanayay 18kii sano ee la soo dhaafay waxana uu rajo ka muujiyay in siyaasada dalka Soomaaliya ay ku tartamaan illaa shan xisbi.
Puntlandes.com