Muuqaalo-Sawirro: Guddomiyaha Golaha Shacabka oo guddi baara u saaray Xildhibaano laga horjoogsaday xarunta golaha
17 okt 2018 (Puntlandes) Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo maanta shir guddoomiyay kulankii golaha ayaa guddi soo baara u saaray Xildhibaano loo gaystay tacadi lagana horjoogsaday xarunta golaha shacabka.
Kulanka oo ahaa kii 15aad oo ay yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa goobjoog ahaa 145 Xildhibaan.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay labo hindise sharciyeed oo kala ah:
1. Qeybinta hindise sharciyeedka bartilmaameysiga cunaqabtaynta dhaqaalaha.
2. Qeybinta hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Daawo Gudoomiyaha golaha shacabka oo ka hadlaya tacadigii loo gaystay Xildhibaanada
Xildhibaan A/fitah Ismail Dahir oo sheegay inay dawladu gef waynn u gaysteen Xildhibaanada
Xildhibaan Faliije o sheegay in ishortaag & tacadi ay ciidamada ammaanka u gaysteen
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo sheegay inay DFS u ekaysiisay Muqdisho furin dagaal