Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo Koonfurta Gaalkacyo kusoo dhaweeyey Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare
18 Okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Madaxweyne Xaaf ayaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo uu hugaaminaayo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Senetor Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari.
Senetor Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari socdaalkiisa ayaa waxaa ku wehlinaayay senetoro kale oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi xasan Cawaale qeybdiid iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Aqalka Sare Seneter Cabdi Dhuxuloow dhag dheer.