Wasiir Cawad “Ma rabno in aan u ekaano dad amaanaya Madaxdooda” & RW Khayre oo aamnusiyey!!!!
19 okt 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si gooni ka ah wasiirada kale uga hadlay shirkii shalay ee xukuu,madda Soomaaliya, kaasoo dhamaan khudbadihii wasiiradu ay ahaayeen amaan marka laga reebo wasiir cawad.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa madasha ka sheegay in aan loo baahneyn in Madaxda la amaano, ayna sax ahayn taasi, isagoo sheegay in howl kasta ay howl ka horeysay, wuyxuu ka hadlay halkii laga soo bilaabay dowladnimada illaa xilligii Carta oo uu xusay inuu ka war hayay marba marxaladihii uu dalka soo maray.
“Howl kasta howl ayaa ka horeysay, madaxdoo hore u soo jirtay iyo xukuumadihii hore waxay soo gaarsiiyeen meesha aan maanta joogno, aniga waa ka war hayaa illaa Carte, hadana Ra’iisul wasaaraha iyo kooxdiisa meel kale oo aad u sareysay ayay gaarsiiyeen”ayuu yiri Wasiir Cawad.
Intii uu hadalkiisa sii watay, una gudbay talo soo jeedin ku saabsan hal beegyada ayaa waxaa ka dhex galay Ra’iisul Wasaaraha oo si lama filaan ah ugu celiyay hadalka, taasoo laga dareemayay sida Wasiirka aanu ugu qanacsaneyn in hadalkii uu watay in laga hakiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xilka loo magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan 2018 ayaa lagu tilmaamaa inuu aanu aheyn Wasiirada aadka ugu dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si ka duwan aragtiyada labada xafiis uga hadlo marka ay timaado xaaladaha siyaasadda arrimaha dibadda.
Inta badan Khudbadihii shalay ka jeediyeen Wasiirada Xukuumadda kulankii shalay si tooska looga daawanayay Telefishinka waxay hadaladoodu ahaayeen kuwo taageero iyo amaan ah oo madaxda sare ee dalka ugu jeedinayeen.
Daawo sida uu RW Khayre khudbadii wasiirkai joojiyey