Daawo Xasan Sheekh oo ku eedeeyey dawladda fadaraalka inay faragelin ku hayso dawlad goboleedyada

19 okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyey dawladda fadaraalka inay faragelin ku hayso dawlad  goboleedyada, taas oo aan ahayn siyaasad sax ah.

96a9

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay maxda dawlad goboleedyadu yihiin mas’uuliyiin ayna tahay in loo madaxbanaaneeyo maamulida deeganadooda ayna dawladda fadaraalku kala tashato arimaha dalka.

Dhanka kale Xasan sheekh ayaa sheegay inaysan sax ahayn in Muqtaar Roobow uu u tartamo xilka Madaxweynaha Maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

“Muqtaar Roobow ma cadeyn inuu ka tegey Al-shabaab balse waxaan ognahay inuu dagaal kala dhexeeyo weli ciidamadiisana waxa ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay Al Shabaab.

“Waxaa jira qodob dastuuri ah ninkan waa muwaadin, wax ka reebaya doorasho ma jiraan, laakiin waxaan qabaa in aysan sax aheyn hada inuu u soo istaago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Muqtaar weli ma cadeyn inuu ka soo horjeedo argagixisada, Shabaab iyo isaga inay is dirirsan yihiin wax dhib ah ma lahan, dhexdooda maalin walba ayay diriraan, wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hada aysan wanaagsaneyn inuu isa soo sharaxo.”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Daawo waraysiga Xasan Sheekh

Puntlandes.com

About The Author