Daawo Video: Deegaanka Dhumay Degan & Isimada Puntland oo Baaq Kasoo Saaray

24 Okt 2018 (Puntlandes) Xaalada Deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool, ayaa degan, kaddib dagaalo aad u culus oo labadii Maalmood ee u dambeysay ku dhex marayay Beelo walaalo ah oo wada degan halkaas.

 

101a

Qaar ka mid ah Isimada dhaqanka Deegaanada Puntland oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa baaq u diray beelahan Walaalaha ee ku diriraya Deegaanka Dhumay, waxaana ay ka codsadeen inay isigu yimaadaan Miiska Wada-hadalka si loo dhameeyo Colaada u dhaxeysa oo ah mid soo laab-laabatay.


Puntlandes.com

About The Author