Akhriso Wasaaradda Maaliyadda DFS oo mar kale ku amartay dowlad goboleedyada xisaab celinta lacagihii horay loogu diray

24 Okt 2018 (Puntlandes) War qoraal ah oo bataha bulshada lagu shaaciyey ayey mar kale daqladda Fadaraalku ku amartay dawlad goboleedyada inay keenaan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ee ka midka aheyd taageerada dowladdu siiso dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

103a1

Qoraalka ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in labo jeer loo diray Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada inay dalabkooda soo gudbiyaan oo ku saabsan isticmaalka lacagihii horay loogu diray.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay si dhow ula shaqeyneysay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada si ay u diyaariyaan xisaab celinta laga rabo.

Ugu dambeyb quraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Fadaraalku ay diyaar u tahay haddii dowlad goboleedyada soo dhameystiraan xisaab celinta iyo dalabkooda in si deg deg ah loogu fasixi doono saamiga kaga hagaaga qeybta labaad ee taageerada (Surge Support) Banggiga Adduunka.

Waxaa xusid mudan in Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo qoraalkan kusoo saaray amarka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre uu ka mid yahay guddi 4 wasiir ka kooban oo ay shalay u xilsaareen inuu Aqalka Sare kala shaqeeyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka jira ee u dhexeeya Dawlad Goboboleedyada iyo Dawlad Fadaraalka, waana Baasiin loogu talogalay in lagu sii shubo.

Akhriso qoraalka

103a

Puntlandes.com

About The Author