Diyaarado kale oo sida gawaari aan xabadaha karin & Ilaalada Taliyihii hore ee NISA oo ka degtay Baydhabo
25 okt 2018 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in diyaaradii labaad oo sida gawaari aan xabadaha karin iyo Ciidamo ay ka degtay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee Baydhabo.
Diyaaraddan oo ka duushay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday illaa kontomeeyo Ilaalo hubeysan iyo labo gaari oo kuwa aan xabadaha karin ah.
Ciidamada iyo labada gaari ee aan xabadaha karin ayaa waxay dawladda Fadaalku ugu talo gashay Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo todobaad ka hor iska casilay xilkiisa si uu isugu shaeaxo xilka madaxweynaha KG.
Xuseen Uurkuus ayaa ka mid ah Musharaxiinta ay dowladdu taageereyso inay noqdaan Madaxweynaha Koofur Galbeed, ayna ka mid ka yihiin Mukhtaar Roobow iyo Lafta Gareen.
Maalmo ka hor ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka degtay diyaarad siday Gawaari aan xabadaha karin iyo ciidamo ilaalo ah Wasiirka Tamarta C/casiis Lafta Gareen oo Baydhabo gaaray.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay magaalada Baydhabo ku soo daabuleyso ciidamo iyo gawaari aan xabadaha karin, iyagoo ka digay in la qalqal geliyo doorashada.
17-ka bisha November ee soo socota ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah.
Puntlandes.com