Wasaaradda Warfaafinta Puntland Oo Ruqsadii Kala Laabatay SBS TV

25 okt 2018 (Puntlandes) Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland, ayaa Waraaqdii Ruqsada kala laabatay Tv-ga SBS, kaas oo ay Wasaaraddu Sheegtay inay bateen Khaladaadkiisu.

103a7

Wasaaradda Warfaafinta ayaa Waraaqda kasoo baxday ku Sheegtay in SBS TV uu ku Howlan yahay Khal-khal gelinta Amniga iyo Siyaasadda Dowladda Puntland, waxaana xustay in Maamulka TV-ga Marar badan la siiyay Digniino Adag, balse uu ka dhaga adeegay.

SBS TV, oo muddo kooban Hawada ku jiray ayaa horey waxaa Ruqsadii ugala laabtay Maamulka Somaliland, oo Xaruntiisa weyn ay ku taalay Deegaanadooda, Iyadoona uu ku eedeeysay inuu ku Xad-gudbay Qawaaniinta u yaal.

Akhriso qoraalka

103a8

Puntlandes.com

About The Author