Akhriso Wasaaradda Maaliyadda Puntland Oo U Jawaabtay Wasiir Beyle
26 okt 2018 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa lagaga jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay xafiiska wasiirka maaliyada Federaalka, kaasi oo lagaga dalbanayay maamul Goboleedyada ka soo xisaab celiyeen lacagihii ka soo gaaray dowladda.
Qoraalka waxay wasaaradda maaliyada ku soo gudbisay dhammaan lacagihii ka soo gaaray dowladda Sanadkii 2017 ilaa sanadkan 2017ka, kuwaas oo cadadkoodu ahaa $450.000 isugsyn.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland ay la wadaageen xisaabcelinta dhamaystiran dhamaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ka hor oo uu ku jiro xafiiska wasaaradda maaliyadda Federaalka.
Akhriso qoraalka
Puntlandes.com