Siyaasi Juxa dawlada Fadaraalku Naanays bay la baxday ah ”waa markii ugu horaysay” (Muuqaal-warbixin)

Siyaasi Cabdi Faarax Sacid (Jaxa) oo ah musharax madaxweynaha Puntland 2019 oo ka hadlay xaflad ay jaaliyadda London ee dalka UK u samaysay ayaa sheegay in nidaamka ay Soomaaliyi qaaadatay ee Fadaraalka ay daruufi keentay, isagoo kusii daray in wixii ay Soomaaliyi haysatay ay burbureen, haday fiicnaayeeena aysan burbureen waana la kala tagay oo la kala haaday.

104

Siyaasi Juxa ayaa adkeeyey in Fadaraalka ay keentay in mar kale ay Soomaaliyi isku timaado, uuna Fadaraalku yahay wadada kaliya ee ay Soomaaliyi isu imaan karto.

Siyaasiga oo ka hadlayey madaxda Dawladda Fadraalka ayaa sheegay inuu muuqdo isku milan awoodeed, isagoo ku siidaray inuu yahay isku milanku dheeliga ugu xun ayna muuqato in golihii wasiirada iyo golihii Shacabku ay isku ekaadeen, wasiiradiina ay Xildhibaano noqdeen, gudoonkii Baarlamaanka la saaray, Maxkamadii la fareeyey, dawlad goboleedyadii iyo dawlada dhexe ma wada hadlayaan.

Siyaasi Juxa ayaa cadeeyey in nidaamkii fadaraalka ee Soomaali la iskula doonayey ay calaamatul su’aal ka taagan tahay wuxuuna yiri ”waxaa markii u horaysay su’aali ka taagan tahay nidaamkii fadaraalka ee awalba nuglaa ee Soomaali la iskula doonayey, waxaan ognahay waxa Galmudug ka socda oo waqti dheer la geliyey oo xaalad adag ku jirta maanta labo maamul iyo labo xarumood ayaa ka jira, waxaanu ognahay waxa ka socda KGS, waxaanu ognahay Garowe iyo Jubaland walwalka la qabo”

Juxa ayaa sheegay inay dawladu Naanays la baxday ah ”waa markii ugu horaysay”  wuxuuna yiri ”waxay tiraahdaa, waa markii u horaysay oo nala aqoonsado, waa markii ugu horaysay oo Roob da’o, waa markii ugu horaysay oo meel cagaar ah lasoo arko”

Siyaasi Juxa oo farta ku godaya qaladaadka waawayn ee ay gashay dawladani ee aan horay taariikhda Soomaalida u dhicin ayaa  sheegay ”waxaa runtii ah markii ugu horaysay taariikhda in nin Soomaali ah oo madax ah oo Villa Somalia jooga oo calanka Soomaaliya hoos fadhiya inuu nin kale oo Soomaali ah oo walaalkiis ah u gacangeliyo cid kale, qadiyada Qalbi-Dhagax iyo boogteeda ayaa ah taariikh cusub, taas ayaa ah markii ugu horaysay, waxaa markii ugu horaysay ah in sharciga jinsiyada Soomaalinimada, in dadka Soomaalida ah Soomaalinimadoodu ay markii u horaysay ay su’aal gasho…waxaa kale oo ma rkii u horaysay ah in nidaamkii nuglaa ee aynu wax ku dhoodhoobaynay ee fadraalisimka uu walwal inaga galo”

Daawo khudbada Siyaasi Juxa

Puntlandes.com

About The Author