Muqdisho Oo ay dawlada Fadaraalku Xirantay wadooyinkii muhiimka ahaa

27 okt 2018 (Puntlandes) Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin qaar ka mid ah isgoysyada magaalada gudaheeda.

 

Isgoysyada xiran ayaa waxaa ka mid ah isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan oo ka celinaya gaadiidka.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta Muqdisho ka Furmaya, waxaana lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan Soomaaliya furitaanka kulanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga bartay in ay xirto Wadooyinka xilliyadda ay jiraan kulamada noocaan oo kale ah.

Puntlandes.com

About The Author