Wasiirada Amniga ee Golaha Iskaashiga oo Kulan kullan ka yeelanaya

27 okt 2018 (Puntlandes) Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada Soomaaliya oo uu shirkoodii 4aad ku soo gabagaboobay Garowe 25kii okt 2018 ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu heshiiyey in Ciidan Qaran oo ay ku midaysan yihiin Dowlad Goboleedyada dalka la aasaaso.

101

Hadaba waxaa si xawli ah u socda qorshaha uu golaha Iskaashigu ku dhisayo Ciidamo isku dhaf ah oo qaran, kuwaaas oo ka kala imaanaya Puntland, Galmudug, KGS iyo Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in qoshahaas uu bilaabanayo, isla markaana todobaadkaan Gudihiisa ay magalada Kismaayo shir ku yaalanayaan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in shirkaasi diirada lagu saari doono qaabka loo marayo dhismaha Ciidamada Isku-dhafka, sida ay ku heli karaan tababarada iyo nooca ay noqonayaan.

Isaga oo sii hadlayay ayuu raaciyay in Ciidamadaas markii la dhiso oo ay tababar helaan ay wax badan amniga wax ka qaban doonaan, sida in deegaanada Dowlad Goboleedyada ay siwadajir ah howlgallo uga fuliyaan oo ka xoreeyaan kooxda Alshabaab.

Arrinta keentay in Dowlad Goboleedyada ay shaaciyaan inay sameysanayaan ciidamo u gaar ah ayaa ka dhalatay khilaafka xoogan ee waqtigaan u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaa soo aan weli wax xal ah loo helin, iyo dawalada oo ku fashilantay dhamaan wixii loo igmaday.

Puntlandes.com

 

About The Author