Xukuumadda Somalia oo siyaasadaysay dhaawacyo laga qaaday Puntland
27 okt 2018 (Puntlandes) Dagaal beeleed dad badani ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen oo ka dhacay Koonfurta gobolka Sool ayaa madaxda Dowlada Fadaraalka waxay usoo dirtey khamiistii diyaarad lagu qaado dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen dagaalkaas.
Diyaaradaan ay dawda fadaraalku soo dirtay kana degi lahayd Garowe iyi Gaalkacyo ayaa waxay ku soo beegantay xilli uu go’an yahay xiriirka u dhexeeya dawlad goboleedyada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu diiday inay Diyaardaas ku degto magaalada Laascaanood.
Dawladda Puntland oo u turaysa dadkeeda ayaa ogolaatay diyaaradaas waxayna ka dalbatay in aan la siyaasadayn lagana dhigin igu sawir arinta dhaawaca, kadibna dawadii waa la geeyey dhaawiciina waa lasoo qaaday.
Duulimaadka ayaa waxaa uu ahaa mid siyaasadaysan, maxaa yeelay markii dhaawicii Muqdisho gaaray ayaa waxay Xukuumaddu ku dhaqaaqday barnaamijkeedii uga socon waayey Puntland ee ahaa igu sawir. Waxaa dadkii garoonka Muqdisho lagu diyaariyey wariyayaal iyo shaqsiyaad ka shaqeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Xukuumadda wax qabadkeedu yar yahay oo naf mooday inay sumcad ku abuurato dhaawac Somaaliyeed oo isbitaal la keenay.
Haddii dowladdu xaqiqdii ay rabto inay dadkaas wax u qabato waxay ka hadli lahayd Somaliland oo isku hubaynaysa labada beelood.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa aad ugu dadaaleysa sidii ay u burburin lahayd dawlad goboleedyada iyagoo si gaar ah awoodooda isugu geeyey Puntland iyo KGS oo madaxdooda xilka ka sii dhamaanayo iyo shacabka ku nool degaanadaas.
Puntlandes.com