XOG: Khayre oo ku khasbay Wasiirada kaso jeeda KG & Xildhibanada uu gacanta ku hayo inay taageeraan…

27 okt 2018 (Puntlandes) Dhawaan ayaa waxaa la filayaa iany doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacdo magaalada Baydhabo.

105a5

Dawladda fadaraalka ayaan qarsan inay taageero dhaqaale, Ciidan, Gaadiidka aysan xabadu karin ku taageerto musharixiin gooni ah iyadoo doonaysa inay meesha ka saarta madaxweyne Shariif xasan.

Musharaxiinta dawladdu ay wadato ayaa darajooyin kala leh waxaana ah Musharaxa rasmiga ah ee ay taageerayso Wasiirka Tamarta & Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dawallada ayaa gadiid aan xabadu karin iyo ciidan u gaysay Baydhabo Musharax Lafta Gareen iyo Agaasimihii hore ee NISA.

Hadaba Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Ra’iisul wasaare Khayre uu ku khasbay Wasiirada kasoo jeeda KG iyo Xildhibanada uu gacanta ku hayo inay Baydhaba tagaan oo ay taageeraan musharax Lafta Gareen ee ay dowladdu lacagta Qadar ku taageerayso.

Dawladda Qadar ayaa madaxda dawladda fadaraalka waxay ku wareejisay lacag aad u faro badan oo loogu talo galay inay kusoo saarto Musharixiinta u sahlaysa dawladda inay ka takhalusto fadaraalkii ay soomaaliyi ku heshiisay ahna wadada kaliya ee dalku isugu soo noqon karo.

Dowladda Qadar waa dowlad taageeradeeda dhaqaale ee Somalia ay siiso ay ku taageerto shakhsiyaadka xukumadda ugu sareeya. Dhaqaalaha Qadar ma aha mid u adeega danaha dowladnimada Soomaliya ee waa mid u danaynasa dad gaara iyo dano gaara

Puntlandes.com

About The Author