Beesha Caalamka oo kulan deg deg ah ka yeelanaya khilaafka dawlad Goboleedyada dalka & dawladda Soomaaliya

27 okt 2018 (puntlandes) Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ee beesha oo ka walwalsan xaaladda qalafsan ee galay wadanka Soomaaliya ayaa wada abaabulka kulkan deg deg ah oo ay ka yeeelanayaan khilaafka dawlad Goboleedyada dalka iyo dawladda Fadaraalka, kaasoo ka dhacaya Nairobi.

Beesha-Caalamka

Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada dalka oo shir ay kasoo baxeen qodobo xasaasi ah ku yeeshay Garowe tadobaadkii dhamaaday ayaa beesha caalamka ku cadaadiyey in dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo iyaga gooni loo siiyo maadaama aan lala shaqayn karin dawladda Soomaaliya oo kasoo horjeeda Fadaraalka uu dalku qaatay.

Beesha Caalamka ayaa garowsatay in dawladda dhexe gabtay xilkii loo igmaday ee ahaa isku haynta dalka.

Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada dalka ayaa qodobadii uu ka soo saaray shirkiisii Garowe waxaa ka mid ahaa:

  • Inay ka baxeen dhamaan heshiisyadii ay kula jireen dawlada Muqdisho sida kii Amniga qaranka
  • Inay samaysanayaan gple Amni oo iyaga u gaar ah
  • Inay samaynayaan Ciidan Qaran oo ay ku midaysan yihiin dawlad Goboleedyada dalka.
  • Waxay isugu yeereen shirwayne qaran oo mudo 45 cisha kadib ka dhici doono Dhuusamareeb
  • Inay dawladda Soomaaliya ku fashilantay Hogaaminta dalka

 

Qodobadaan oo dhami way meesha ka saarayaan sharcinimada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ee hada u xuubsiibatay dawladda Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author