C/llaahi Sh. Xasan “Warqada ka soo baxday Madaxweynaha si rasmi ah nooma soo gaarin”
29 okt 2018 (Puntlandes) Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in aanay si rasmi ah u soo gaarin warqad ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo, taasoo lagu martiqaaday Madaxda dawlad goboleedyada shir wadatashi ah oo lagu xalinayo khilaafka dawladda Fadaraalka iyo dawlad goboleedyada.
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in hoggaankooda aanay soo gaarin warqadaas, bale ay baraha bulshada ka arkeen warqado yaacaya oo la leeyahay Xafiiska Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayay ka soo baxday sida uu yiri.
“Aniga si rasmi ah warqada Madaxweynaha nooma soo gaarin, nidaam iyo xafiis ayaa leenahay hoggaankana ma soo gaarin, laakiin waxaa jirtay warqado baraha bulshada dhex yaaceysa oo la leeyahay Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha Gudaha qoreen”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxaa uu kusii daray in haddii ay jirto warqada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ay tahay mid lagu fowdeynayo dadaalada uu wado Aqalka Sare sida uu hadalka u dhigay.
“Anaga Aqalka sare ayaa ka war sugeynaa dhex dhexaadnimada uu wado, haddii warqadaas ay jirtana waxaa u aragnaa arrin lagu fowdeynayo ama lagu ijaafeynayo dadaalada uu Aqalka sare wado”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo la hadlayay Idaacada Risaala
Mar la weydiiyay sababta ay u diidan yihiin inay Muqdisho yimaadaan ayuu ku jawaabay in haddii Muqdisho la iamaanayo iyo haddii meel kale la tagayo ay ka war sugayaan Aqalka Sare.
Dawlad goboleedyada ayaa bishii hore diiday inay ka soo qeyb galaan shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo, iyagoo shuruud ku xiray ka qeyb galka shirkaas, waxaana ay dalbadeen in la helo daraf saddexaad oo damaanad qaade ka noqda shirka ay la yeelanayaan dowladda Federaalka.
Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa weli xal loo heli la’yahay, waxaana muuqata in marba marka ka dambeysa uu faraha ka sii baxayo, iyadoo aan weli natiijo rasmi ah ka soo bixin dadaalada uu wado Aqalka Sare.
Puntlandes.com