Fahad Yaasiin Oo Qatar ku Casuumay Murashax Jabiye.
Fahad Yaasiin oo u shaqeeya Sirdoonka Soomaaliya/Qatar ahna ninka gacanta ku haya talada Villa Somalia, ayaa Dalka Qatar ku Casuumay Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye.
Sida la wada Og yahay Puntland ayaa lagu wadaa in ay Doorasho ka Qabsoomto bilowga sanadka 2019ka, haddii Eebbe idmo, waana sababta keentay in Fahad Yaasiin oo kaashanaya dawladda Qatar uu la soo Baxo Farmaajihii Labaad, sidaasna uu gacanta ugu dhigo Puntland oo uu muddo ku Taaamayay.
Hadaba Muxuu Fahad Yaasiin ku Xushay Murashax Jabiye?
Anagoon u Gafin Murashax Jabiye, haddana Fahad Yaasiin ayaa aad u kala yaqaan Nooca Hogaamiye uu rabo si uu u noqdo Madaxweynaha Qarsoon sida hadda uu Mogadishu ka yahay. Fahad Yaasiin Oo aad u Neceb Puntland iyo Miisaanka ay ku leedahay Soomaaliya ayaa hadda u helay Murashax uu sahansaday oo u fuliya qorshihiisa fog.
Waa Maxay Qorshaha Fahad Yaasiin Ee Puntland?
1) Fahad Yaasiin waa nin aad u neceb ama uga soo horjeeda habka dawladnimo ee ay Soomaalidu qaadatay Fadaraalka, isagoo u diidan beel ahaan.
2) Fahad Yaasiin ayaa marka hore doonaya in Puntland la mid noqoto Hirshabeelle oo Muqdisho xoogaa shilimaad ah looga soo dhiibolagana maamulo.
3) Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Puntland la damacsan Burburin iyo wiiqid maamul si mustaqbalka loo waayo Puntland, sidaasna uu uga taqaluso Fadaraalisimkii ay Soomaalidu ku heshiisay.
4) Dalka Qatar ayaa sidoo kale laga iibiyay Fikir ah in Puntland ay ka taliyaan Imaaraadka, taasoo Dalka Qatar lagu Qanciyay in ay taageerto Murashax Jabiye si cagta loo mariyo Danaha Imaaraadka ee Soomaaliya guud ahaan.
5) Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale la Damacsan Puntland in ay noqoto Banana Republic amase Dowladaha Miiska
6) Ugu dambeyn Fahad Yaasiin ayaa muddo Aaminsanaa in la tirtiro Damiirka iyo Dhiiga Reer Puntland oo uu hubo in ay ka Horjeedaan afkaartiisa gurcan iyo Shacabka Puntland oo Qaan-gaar ka ah Siyaasada Soomaaliya taasoo Fahad Yaasiin ka horjoogsatay in uu siduu doono ka yeelo Dowladnimada Puntland.
Fahad Yaasiin ayaa Ku Xeeldheer Xulashada Madaxweynayaasha Moogayaasha si uu Qalinkooda ugu Shaqeysto, una noqdo ninka daaha gadaashiisa wax ka maamulaya.
Dawladda Qatar ayaa Fahad Yaasiin u balan qaaday inay siinayso Musharixiisa Jabiye dhaqaale aad u faro badan, oo uu ku gato kursiga sidii ay u siisay doorashadii madaxwerynaha dawladda Fadaraalka Farmaajo.
Puntlandes.com