Cambaarayn falalka xariga iyo caga juglaynta ay Xukuumada Gaas ku hayso Suxufiyiinta.
Pes Gaalkacyo: Milkiilaha iyo dhamaan bahda Punlandes (Pes) waxay cambaaraynayaan xariga iyo xaga jugleynta ay xukuumada uu hogaamiyo Gaas ku hayso Suxufiyiinta reer Puntland. Waxaana u dambeeyey xarigii sharci darada ahaa ee lagu xiray Suxufi Cabdalla Aadan,kaasoo xabsiga loo taxaabay xalay 20 07 2014.
Saaafada xorta ah iyo xoriyada hadalka waa xaq aasaasiya oon laga baryey xukuumada Gaas.
Waxaan uga digaynaa xukuumada Gaas in ay ka waantoowdo ku xag gudubka Suxufiyiinta iyo caburinta dareenka shacabka Puntland.
Waxay milkiilaha iyo dhamaan bahda Pes ugu baaqayaan xukuumada Gaas in ay si deg dega ay xoriyadiisii ugu soo celiyaan Suxufi Cabdalla Aadan
Puntlandes.com
info@puntlandes.com