Akhriso Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed oo soo bandhigay shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya murashaxa madaxweyne
02 Nov 2018 (Puntlandes) Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay ilaa 9 qodob oo ah shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya murashaxa madaxweyne ee maamulka.
Shuruudaha ayaa waxay kala yihiin:
1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.
2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.
3- Da’diisu in aysan ka yarayn 40 sano.
4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.
5- In Dhimirkiisu dhan yahay.
6- In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.
7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay
8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).
9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.