Xildhibaan ka tirsanBaarlamaanka Kenya oo baaq u direy mas’uuliyiinta Soomaaliyeed
02 Nov 2018 (Puntlandes) Xilidhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay u midoobaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen jahawareerka iyo is jiidjiidka siyaasadeed ee muddaba taagnaa, isago o ka hadlayey khilaafka dawladda fadaraalka iyo dawlad goboleedyada.
Xildhibaan Aaden Barre ayaa sheegaya inuu u damqanayo walaalihii Soomaaliya, ayna wanaagsan tahay in madaxda dalkaasi ay u midoobaan danta dalkooda.
“Waxaa talo iga ah in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay heshiiyaan, una daneeyaan waqti walbo duruufaha shacabka iyo dalka oo ay iyagu dhexdooda aanay isku soo noqon”.ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre
Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in madaxweynuhu dulqaad muujiyo kana fakarao danta dalka iyo dadaka “taasna waxaan leennahay weliba odayga ugu sarreeya waa Madaxweynaha ee, ayaa la rabaa in uu u dulqaato ragga madaxda ka ah dowladd goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo la hadlay BBC-da.
Xilodhibaanka ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay ku dhalisay culeyska uu leeyahay khilaafka aan xalka laga gaarin ee mudaba ka taagnaa Soomaaliya maadaama uu yahay siyaasi Soomaaliyeed talana ka dhiiban karo arrimaha cakiran ee haysta walaalihii.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu imanayaa xilli kala qaybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda dawlad goboledyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay hadalo adadag.
Puntlandes.com