Daawo Fadeexad RW Khayre & Fahad Yasin oo lacag u qeybinayo xildhibaanadii KG ee laga keenay Baydhabo
02 Nov 2018 (Puntlandes) Madaxda dawlada Fadaraalka ayaa bilaabay olole ay ugu jiraan in uu ku guulaysto doorashada madaxweyanaha ee la filayo inay ka dhacdo Koonfur Galbeed musharaxa ay wadataan ee Cabdiasis Xassan Lafta Gareen.
Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeysay diyaarado looga soo qaadayey magaalada Baydhabo xildhibaano si loo laaluusho oo ay codka u siiyaan musharaxa ay wataan MW Farmaajo, Fahad Yasin iyo RW Khayre.
Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay muuqaal laga duubay mar caawa lacag loo qeybiyay xildhibaanadaas, waxaana xildhibaan walba la siiyay 5000 doollar oo lagu sheegay biyo cabaal, waxaana loo ballan qaaday in la siin doono lacag faro badan haddii ay codkooda siiyaan musharaxa Madaxtooyada.
Dowladda Qatar ayaa ku bixinaysa lacag aad u faro badan si meesha looga saaro madaxda hadda ee dawlad Goboleedyada looguna bedelo shaqsiyaad ay wadato Madaxtooyada iyadoo qorshaha u dambeeya uu yahay in fadaraalka Soomaalidu ku heshiisay la burburiyo.
HALKAN HOOSE KA DAAAWO MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHEEGAY INAY BEDELAYAAN MADXDA D GOBOLEEDYADA, BEESHA CALAMKANA AYSAN U BAAHNAYN
Puntlandes.com