Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu Hub Fara badan Geeystay G. Gedo

03 Nov 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo inuu Burburin ku waddo dalka.

Kamaal ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo ka baxay Balanqaadyadii ay shacabka Soomaaliyeed iuo Xildhibaanada matalaa ku taageereen xiligii uu ahaa Musharaxa.

Kamaal ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Hub Fara badan oo Kunteenaro ku jira geeyey Magaalada Garbahaarey ee Gobalka Gedo oo ay Beeshiisu degto, isagoo kula dagaalamaya dawlad goboleedka Jubaland.

Puntlandes.com

About The Author