Haysom “khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada wuxuu caqabad ku yahay horumarka”
03 Nov 2018 (Puntlandes) Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu caqabad ku yahay Horumarka Soomaaliya.
Nicholas Haysom oo ku guda jira socdaal uu ku marayo xarumaha maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka taagan ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, si mar kale cagaheeda dib ugu istaagto.
“Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada wuxuu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya iyo dadaalada la doonayo in lagu dhiso dowladnimada Soomaaliya”ayuu yiri Nicholas Haysom.
Ergeyga Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, halkaasoo ay kula kulmeen Madaxda Jubbaland iyo Koofur Galbeed, sidoo kale waxay Muqdisho kula shireen Madaxweynaha Hirshabeelle.
Dadaalada ay horboodayaan Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa qeyb ka ah sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada oo xilligan u dhaxeeya khilaaf aad u xooggan.
Puntlandes.com