Sawirro: Gudoomiyaha Degmada Bookh oo si ballaaran loogu soo dhaweeyey Bookh

03 Nov 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Bookh Cabdiqani Badal Khalaf Jaamac oo soo gaaray magaalada Bookh markii ugu intii xilka loo magacaabay bartamihii bishii hore ee okt 2018 ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey magaaladaas.

Dadwayne aad u farabadan ayaa gudoomiyaha oo kasoo kicitimay caasimadda Somalia State ee Jigjiga waxay uga hortageen meel ka baxsan magaalada.

Gudoomiye Cabdiqani ayaa ugu horayn u mahad celinayey shacabkii sida diiran oo aan kala harka lahayn ugu soo dhaweeyey magaalada Bookh.

Gudoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa Jigjiga waxa uu kulamo la qaatay madaxda Somali State isagoo kala hadlay horumarinta degmada Bookh, waxayna kala yihiin madaxda uu la kulmay iya waxa uga soo fulay sidan hoose.

Gudoomiha ayaa Xafiska Cafimadka Somalia State la kulmay isagoo ka gudoomay Gaari Ambulance ah oo Cusub oo ay leedahay Degmada Bookh gaar ahaan Xafiiska Cafimaadka Degmada Bookh.

Gudoomiha ayaa kala wareegnay Xafiska Madaxwaynaha Gaari Booyad Noocedu Yahay Sinu truck oo ay leedahay Degmada Bookh ee Gobalka Doollo, taas oo loogu talagalay in Biyaha loogu dhaamiyo shacabka ka fog meelaha biyaha leh maadama ay Degmadu aad u balaaran tahay, Abaaruhuna ay ku soo noqnoqdaan, Xilli kasta oo ay baahi timadana ka faa’iidaystan shacabku.

Gudoomiha ayaa la Kulmay Masuuliyiinta Xooga Korontada Dalka Ethiopia (Ethio Electric Utility ) qaytooda Somalia State, wuxuuna uga warbixiyay in mudo dhan 3 bilood uusan shaqayn Motoorkii waynaa ee Korontada siin jiray Degmada Bookh uuna shidaal la’aana yahay mudadaas.

Masuuliyiinta Xooga Korontada ayaa kusoo daray Gudoomiyaha Koox Machanic ah oo u raacda Bookh iyo Shidaal.

Ugu dambayntii dadaal badan oo uu sameeyey Gudoomiye Cabdiqani Badal Khalaf Jaamac waxa uu ku guulaystay In Degmada Bookh ka mid noqotay 15 Degmo ee ay dawladu ka fulinayo Qorshe hagaha loo yaqaan (Master Plan ka), kaas oo ay wax badan ka faa’idi doonto Degmadu.

Daawo sawirada soo dhawaynta


Puntlandes.com

About The Author