Ilhaan Cumar oo ku guulaysatay doorashada Aqalka Congresska Mareykanka
07 nov 2018 (Puntlandes) Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka soo hoysay doorashada Mareykanka ee xulliga dhexe, kaddib markii loo doortay Kursiga Aqalka Hoose ee Congress-ka Mareykanka.
Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii u horeeyay oo Soomaali ah ama Muslim ah oo taariikhda Mareykanka ku guuleysatay Xildhibaan Kursiga Aqalka Congress-ka.
Sidoo kale waxaa doorashada Xilliga Dhexe ee Mareykanka guuleystay Soomaali kale oo kala ah Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur, kuwaasoo ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.
Soomaalida degan Minnisotta ayaa soo dhoweeyay guushan taariikhiga ah ee ay soo hoyeen Soomaalida, gaar ahaan Guusha Ilhaan Cumar ka soo hoysay Aqalka Congress-ka Mareykanka.
Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa si aad ah isha loogu hayay, waxaana dabaal degyo ka bilowday Gobolka Minnesotta oo ay u badan tahay Soomaalida.
Puntlandes.com