Hadda ka hor baa waxaa dhacday qiso ah: ninbaa habeen soconayey ama guuraynayey kadib wuxuu usoo galay Libaaxyo, mana haysan wax hub ah oo uu isaga difaaco Libaaxyadaas, markaas buu wuxuu Allah ka baryey inuu Riyo uga dhigo wuxuuna yiri ”ilaahoow Riyo ii dhig”

Dalkii Soomaaliya oo u mnuuqda inuu Soomaalida gacanteedii ka baxayo

 

Dhawaan ayaa Taliye ku xigeenka ciidamada Ethiopia General Berhanu Jula waxa uu sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay saldhig ciidamada badda ah ka dhisanayso dhawaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, inagoo og inaysam Itoobiya lahayn dhul badahaas ku yaala, halkan ka akhriso.

Taliyaha oo ku dhiiran ayaa ayaa intaas kusii daray in aysan ahayn wax la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaarayo aysan lahayn bad “Landlock”, CAJIIB oo imisa dal ayaan Bad lahayn aduunka, akhristoow xuusnow in Farmaajo uu heshiis uu ku wareejiyey Itoobiya 4 dekedadood la galay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isna si aan gabasho lahayn maanata u sheegay wadamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay yeelan doonaan hal madaxweyne oo kaliya, halka ay hadda leeyihiin Saddex Madaxweyne, halkan ka akhriso.

Abiy ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kula heshiiyey inuu la midoobe, wuxuu midowgaas ka caddeeyey madaxweyne farmaajo hortiisa.

Dhanka Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isna dhankiisa sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka baxayn Soomaaliya xataa haday  AMISOM ka baxdo, halkan ka akhriso.

Sadexdan dhacdo oo is xigay waxay muujinayaan in dalkii Soomaaliyeed uu jiritaankiisu khatar ku jiro, iyadoo hogaankii loo igmaday inuu ilaasho uu uu  ku wareejiyey gacan kale oo shisheeye ah.

War lagu kalsoon yahay oo kale ayaa waxay sheegayaan in Farmaajo kula heshiiyey dalalka Itoobiya iyo Eritrea inay Ciidamadii boqolaalka kun ahaa oo ay isku hor fadhiyi jireen markii colaadu ka dhaxaysan loo soo raro Soomaaliya si loogu qabsado, iyadoo looga gol leeyahay inay fuliyaan heshiiskii uu la galay Farmaajo ee midowga.

Soomaaliya dadkii lahaa waxaad moodaa inay marti ku yihiin, oo ay daawadayaan ka yihiin waxa dhacaya, una malayn maayo in cidi u maqan tahaye ”Ilaahoow Riyo nooga dhig”

Puntlandes.com

About The Author