Sawirro: Farmaajo oo la kulmay taliyayaasha Ciidamada, yaa diiday?

11 nov 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan degdeg isugu yeeray taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday warbixin la xiriirta xaalada amniga dalka gaar ahaan qaraxyadii dhacay jimcihii.

Sida ka muuqata sawirada la baahiyay waxaa kulanka ka muuqda Taliyaha iyo kuxigeenkiisa Booliska, Taliyaha Xoogga Dalka iyo Taliyaha Asluubta, laakiin waxaan ka muuqan kusimaha Agaasiha NISA ahna Agaasime kuxigeenka hay’addaas Fahad Yaasin.

Kusimaha Agaasimaha NISA ayaan aan inta badan looga baran inuu fagaarayaasha iyo kulamada ka soo muuqdo, waana sababta uu u diiday oo uga dhex muuqan waayey kulankan.

Fahad Yasin oo ku caan baxay Fadaraaldiidnimo ayaa dawladda hada jirta ee uu ku magacaaban yahay Farmaajo waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu awooda badan.


Puntlandes.com

About The Author